DHAGEYSO:In ka badan 8 qof oo ku dhaawacmay dhisme ku dumay Nyamira

0
574

Ugu yaraan 8 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacmeen ka dib markii uu soo dumay dhisme weli gacanta lagu hayo.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in dhismahan ay ku howlgalaan wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nyamira.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Nyamira Amos Mariba ayaa sheegay in 8-da qof ay ka mid ahayeen 51 ku sugnaa goobtaas.
Wararka ayaa intaa ku daraya in 43 qof ay shilkan ka badbaadeen.
Dhisidda xarunta duntay ayaa horay loo qoondeeyay 379 milyan oo shilin.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Nyamira Dr .Silas Ayunga ayaa sheegay in 5 ka mid ah dhaawaca oo aynan xaaladooda caafimaad liidan la daaweeyay kadibna isbitaalka laga saaray.
Guddoomiyaha Nyamira Amos Mariba ayaa warbaahinta u sheegay in la guda galay baaritaan la xiriira dhacdadan.
Sidoo kale guddoomiyaha golaha hoose ee dowlad deegaanka Nyamira Moffat Teya ayaa dalbaday in baaritaannada la dardargeliyo si loo ogaado sababta dhabta ah ee keentay in dhismahaasi uu soo dumo.
Qaar ka mid ah shaqaalaha goobtaasi dhisayay ee badbaaday iyo goobjoogayaal ayaa ka warramaya sida ay wax u dhaceen