Puntland oo ganacsatada kala shirtay socodsiinta shilin Soomaaliga

0
580

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Rugta Ganacsiga Bosaaso kaga qeyb galay kulan u dhexeeyay Ganacsatada Magaalada Bosaaso Iyo Maamulka Puntland oo looga hadlaayay sidii loo dhaqan gelin lahaa Go’aankii kasoo baxay Maamulka ee la xiriiray Socod siinta Shilin Soomaaliga.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa ugu baaqay Ganacsatada inay dhaqan geliyaan Amarada lagu xakameynayo sicirka baraka Saamaynta ku yeeshay bulshada deegaanka.
Maalmihii la soo dhaafay degaannada Puntland waxaa ka taagnaa xaalada ka abuurantahay diidmada isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga, waxaana Madaxda Puntland ay soo saareen Amaro ku socda Ganacsatada si lacagta Shillinka Soomaaliga loo isticmaali.