Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamad Mursal Sh C/raxmaan ayaa sheegay in Heshiiskii Doorashada ee shalay Muqdisho lagu Saxiixay uu qayb ka qaadanayo Amaanka shacabka iyo Xasiloonida.
Guddoomiye Mursal ayaa bogaadiyay dhammaan Madaxdii ka qayb qaatay gaaritaanka Heshiiskaan iyo Xal u helidda Khilaafkii Doorashada.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka jiray uu Sababay kala Qaybsanaan hay’adaha dowladda.
Waxaa uu Bogaadiyay dadka ka qayb qaatay in Marxaladaan la isla soo gaaro.