DHAGEYSO:Barasaabka Wajeer oo faahfaahin ka bixiyay caqabadaha ismaamulkaasi ka jiro

0
556

Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta star ayaa sheegay in sababihii xilka looga qaaday barasaabkii hore Maxamad Cabdi Maxamuud ay ka mid ahayd in arrimaha caafimaadka aan sida habboon loo maareyn taasoo dhimasho sababtay.

Waxaa uu sidoo kale xusay in lagu dhaariyay qaab waafaqsan xeerarka dalka isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in dhaarintiisi ay ahayd mid la dedejiyay .

Barasaabka ayaa sheegay in uusan wakhti xaadirkan jirin amar maxkamadeed oo ka hor istaagaya inuu shacabka Wajeer u adeego in kasta oo ay qadarin doonaan go’aanka ka soo baxo guddiga ay madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome u saari doonto dhageysiga cabashoyinka guddoomiyihii hore ee Wajeer.

Axmad Cali Mukhtaar ayaa dhanka kale warbaahinta Star u sheegay in mudnaanta koowaad ay siinayaan xallinta dhibaatooyinka caafimaad iyo dhinaca adeegyada biyaha ee ka jiro Wajeer.