Madaxweyne ku-xigeenka Maamul Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaanahan Beladweyne ka wadya dadaallo lagu xalinayo beelo ku dagaalamay duleedka Beladweyne ayaa kulan la qaatay horjoogayaasha maleeshiyaadka dagaalamay, waxaayna ugu dambeyn balan qaadeen inay Nabadda ka shaqeyn doonaan.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa ugu baaqay bulshada inay Nabadda ka shaqeeyaan oo ay ka hortagaan cidkasta oo abuureyso amni darro.
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa ugu baaqay shacabka ka barakacay deegaannada ay colaadda ka dhacday inay dib ugu soo laabtaan guryahooda, Maamulkana uu ka shaqeyn doono sidii Nabadgelyada loo xoojin lahaa.
Horjoogeyaasha Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa dhankooda sheegay in wixii hada ka danbeeya ay Colaadii dhamaatay oo dadka walalaha ay sidii hore u wada noolaanayaan.