Dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska oo arimaha Doorashada ka wada hadlay

0
385

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud , ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho, Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Kate Foster, isagoo kala hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal u dhexeeya, habka iskaashiga labo geesoodka iyo siyaabaha looga horumarin karo dhinacyo kala duwan.
Intii kulanka lagu gudo jiray ayaa waxaa lagu falanqeeyay dhowr arrimood oo siyaasadda iyo amni la xiriiray, sidoo kale waxaa looga wada hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac ay wada danaynayaan.
Wararka kulanka laga helay ayaa waxay sheegayaan in labada mas’uul ay ka wada hadleen arrimaha doorashada Soomaaliya iyo sidii dalka ay kaga dhici laheyd doorasho loo wada dhan yahay.
Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya, waxaayna ka caawisaa dhinacyada Amniga dhaqaalaha iyo Arrimo kale oo ay kamid tahay qabsoomida howlaha doorashooyinka Wadanka.