Xayiraad la xiriirta COVID19 oo caawa ka dhaqan galaysa gobol ka tirsan Australia

0
462

Ku dhawaad 7 milyan oo qof oo ku nool gobolka Victoria ee dalka Australia ayaa caawa lagu soo rogayaa xayiraad dhanka isku socodka ah.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay xakameynta faafidda caabuqa corona.
Sii hayaha xilka guddoomiyaha Victoria James Merlino ayaa sheegay in xayiraadan ay dhaqan galayso saqda dhexe ee caawa ee saacadda dalkaas.
Shacabka ayaa loo ogolaanayaa in ay guriyahooda ka soo baxaan keliya hadii ay fidinayaan adeegyo bulsho oo muhiim ah.