6 burcad ah oo lagu xiray Nairobi

0
474

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa sheegtay in xabsiga loo taxaabay 6 qof oo ku howlanaa falal burcadnimo.
Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in kooxdan ay dhac u gaysan jirtay gaadiidleyda adeegsado buundada.
Tallaabada lagu soo qabtay ayaa timid ka dib warbixin uu gudbiyay qof ay weerareen oo ay hanti kala baxsadeen.
Tom Onyango iyo wiilkiisa oo saddex sano jir ah ayaa xilligii la weeraray ka soo safray ismaamulka Nakuru.
Waaxda DCI ayaa cid kasta oo ka mid ah baabuurleyda dalka oo horay dhac loogu gaystay wadadaasi aadka u mashquulka badan ka codsatay in ay tagto saldhigga booliska ee Langata si ay warbixin u gudbiso.