Wasiirka difaaca Soomaaliya oo saxiixay sharciga xaquuqda aadanaha

0
410

Wasiirka wasaarada Gaashaandhigga ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa saxiisay siyaasadda xaquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa saxiixay laba siyaasadood oo kala ah Siyaasadda Xaquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Siyaasadda tababarada ee Wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaas oo muhiim u ah howl maalmeedka baaxadda leh ee Wasaaradda.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay baahida ay Wasaaradda u qabto dhaqan-gal ka iyo dardargelinta labada Siyaasadood ee uu maanta qalinka ku duugay.
Sidoo kale Siyaasada Tababaradda ayuu ku tilmaamay in udub -dhexaad u noqon doonto hagidda tababaradda iyo jiheynta sare-u-qaadidda aqoonta howlwadeennada Wasaaradda iyo Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayen Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda ayuu Wasiirka kula dardaarmay fulinta siyaasadahan iyo dhaqan galkooda, si loogu adeego shacabka si ay ku dheehantahay Daah-furnaan iyo isla xisaabtan dhab ah .