Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa la filayaa in toddobaadkan uu hor tago guddiga senetka ee amniga qaranka iyo difaaca.
Waxaa laga doonaya in uu iftiimiyo u diyaar garowga ammaanka dalka ka hor doorashada guud ee 2022-ka.
Guddiga aqalka sare ee amniga ayaa sidoo kale casuumay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho.
Gudiggan oo uu gudoomiye u yahay senetarka ismaamulka Kisumu ,Fred Outa ayaa sidoo kale casuumay taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka iyo agaasimaha waaxda dambi baarista George Kinoti.
Waxaa laga doonaya in ay sharraxaan ammaanka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC si ay u maareeyana doorashooyinka soo socda.
Tallaabada loogu yeeray mas’uuliyiintan ayaa timid ka dib markii qalalaase iyo rabshado ay hareeyeen doorashooyinkii ku celiska ahaa ee dhowaan ka qabsoomay qaybo ka mid ah dalka , oo ay ku jiraan deegannada Juja, Bonchari, Matungu , Kabuchai iyo deegannada hoose ee Rurii iyo London.
Senetarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei ayaa sheegay in su’aalaha wax la iska weydiin doono ay ka mid yihiin tallaabooyin la dejinaya si loo hubiyo in aysan jirin khasaare nafeed iyo rabshado doorashooyinka ka dib “IEBC diyaar ma u tahay inay shaqadeeda qabsato, hay’adaha amniga diyaar ma u yihiin si aysan u dhicin khaladaadkii dhacay xilligii doorashooyinkii hore iyo kuwii ku celiska ahaa.