SAWIRRO:Madaxweynaha dalka oo ciidamada difaaca ku amaanay dayactirka KMC

0
401

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa bogaadiyay ciidamada difaaca wadanka ee KDF ka dib markii shalay si rasmi ah loo daahfuray warshadad hilibka ee KMC.
Xarunta KMC oo ku taalla degmada Athi River ee ismaamulka Machakos ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa lagu waday dayactir ballaaran.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in tallaabadii dowladda dhexe ay maamulka warshaddan ugu wareejisay wasaaradda gaashaan dhigga looga gol-lahaa wanaajinta adeegyada ay u fidiso xoolo dhaqatada.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in kala bar tirada shacabka Kenyaanka ah ay noolol ahaan ku tiirsan yihiin xoolaha.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in dowladda dhexe aynan marnaba oggolaan doonin in ay burburto waax kaalin weyn ku leh wax soo saarka dalka.