DHEGEYSO:Dad ku dhaawacmay dibadbaxyo ka dhacay ismamaulka Nyeri

0
308

Ganacsiga ayaa si ku meel gaar ah hakad uga galay magaalooyinka Karatina, Mathira, iyo Mwea, halkaas oo kooxaha taageersan Rigathi Gachagua ay dhigeen mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda, daqiiqado kadib markii madaxweyne ku xigeenkii hore dalka uu sheegay inuu jiro qorshe la doonayay in isaga lagu dilo.
Isku daygii uu xildhibaanka Mathira ku doonayay in lagu carqaladeeyo dibadbaxyada ayaa fashilmay, iyadoo dibadbaxayaashu ay iska caabiyeen laamaha ammaanka, iyagoo dab qabadsiiyay waddooyinka waaweyn ee soo gala iyo kuwa ka baxa ismaamulka Nyeri.