Waxaa Maanta Maalintii Afaraad oo xiriir ah galaya shirweynaha wdatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka ee ka socda Xaruntii hore ee Ciidanka Cirka Soomaaliya Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble, Madaxda Shanta Maamul Goboleed ee ka jira Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii September ee sanadkii hore iyo is afgaradkii Guddiyada farsamo ee Magaalada Baydhabo 16-kii bishii Labaad ee sanadkan ayay dhinacyadu ka doodayaan qodobada Khilaafka dhaliyay.
Shalay ayaa qorshuhu ahaa in shirka la soo geba-gabeeyo, hayeeshee dib ayuu u dhacay sababo la xiriira qodobka arrinta doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi oo ay isku heystan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi & Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed ( Khadar).
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda & Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kulamo gooni gooni ah waxaay la qaateen Guddoomiyaha Aqalka sare si xal looga gaaro khilaafka siyaasiyinta Gobollada Soomaliland oo isku heysta Guddiyada doorashooyinka ee la Magacaabi doono, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in is-afgarad aan badneyn laga gaaray.
Maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa in la sii amba qaado Shirka wadatashiga doorashooyinka ee Afisiyooni, iyadoo Ra’iisul Wasaaraa Soomaaliya Maxmad Xuseen Rooble & Madaxweynayaasha Maamulada Puntland & Jubbaland ay shirka kusoo bandhigi doonaan wixii ay kala soo kulmeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.