Waxaa subaxnimada sabtida maanta ah magaalada Garissa laga bilaabi doono xafladda bandhig dhaqameedka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer ahna Guddoomiyaha Golaha baarsaabyada ee dalka ayaa qeyb ka ah Bandhig-dhaqameedka lagu qabanayaa Gaarisa.
Barasaabka dowlad deegaanka Garissa Nathiif Jaamac Aden ayaa xalay madax badan oo marti u ah ku casuumay casho saharaf.
Waxaa sido kale ka mid ah madaxda ka qeyb galaysaa bandhigaas madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muxumad.
Madaxweynaha DDS ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Garissa.