Saraakiisha caafimaadka ee u qaabilsan sheybaarada ismaamulka Turkana ayaa maanta oo isniin ah ku dhaqaaqay shaqo joojin iyagoo cabashooyiin muujinayaa .
Sida laga soo xigtay Muuse Emot, oo ah sarkaal urur shaqaale oo matalaya saraakiisha shaybaarka, dawladda ismaamulka Turkana waxay ku guuldareysteen inay qoraan shaqaale cusub oo sheybaarka ah taasi oo ugu dambaysay sanadkii 2016-kii.
Emot ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in 16 xarumood oo caafimaad ah la xiray sababo la xariirta adeegyada sheybaarka oo aysan heysan.