Abwaan Sugaal oo ka mid ahaa dadkii maanta ku geeriyooday qaraxii Muqdisho

0
183

Ugu yaraan toddoba qof oo ay ku jiraan askar iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku dhow dugsiga tababarka booliiska ee xaafadda Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee maanta, sida ay sheegeen booliiska.
Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Muqdisho, ayaa warbaahinta u sheegay in qofka is qarxiyay uu beegsaday goob shaaha laga cabo oo mashquul badan oo ku dhow dugsiga sare ee booliiska Muqdisho.
Dadka ku dhintay qaraxaasi waxaa ka mid ah Abwaan Sugaal Cabdille oo muddo dheer a mid ahaa bahda sugaanta.
Abwaanka ayaa muddo aad u dheer ka tirsanaa kooxda booliiska ee Heegan.
Waxaa uu inta badan sameyn jiray miraha heesaha isaga oo sidoo kle gabyi jiray kana qayb qaadan jiray jillinka ruwaayadaha.
Abwaan Sugaal Cabdille ayaa oo mar wareysi siinayay wariyaha inta badan wax ka qora fanka Cumar Seerbiya ayaa waxaa uu sheegay in muddo aad u dheer uu fanka ku jiray.
Waxaa uu fanka kaga soo biiray magaalada Galkacyo xilli uu fanka Soomaalida marayay meeshiisii ugu fiicnayd.
“Waxaan ku soo barbaaray mudug, taariikhdan dhashay garan maayo oo mii ayaan la joogay, halkaas ayaan ku soo barbaaray ciyaaro ayaan tumi jiray oo dhaanto ayaa tumi jiray,” ayuu yiri abwaan Sugaal.
Alle ha u naxariistee abwaan Sugaal ayaa sida uu sheegay waxa uu ruwaayaddii ugu horreysay uu uu soo saaray sanadkii 1971-dii.