DHAGEYSO:Kiiskii ninkii xaaskiisi gubay Sayid Cali oo soo dhammaday xilli maxkamdda sare ay dil ku xukuntay

0
151

Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya oo saaka fadhigii ugu dambeeyay ka yeelatay kiiska ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa ka gaartay go’aan rasmi ah, kaas oo ay horay dil ugu soo xukumeen maxkamadda darajada koowaad iyo tan racfaanka ee gobolka Banaadir.
Fadhigii maanta oo uu soo xiray guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Axmad Yuusuf ayaa goobta ka sheegay in Sayid Cali lagu helay dambiga lagu eedeeyay, islamarkaana uu si kas ah u dilay marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamad.
Waxaa uu intaasi ku daray in maxkamaddu diiday rafcaanka ay ka soo qaateen qareenadda eedeysanaha xukunkii dilka toogashada ahaa ee maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir hore ugu soo xukuntay.

Tallaabadan ayaa ka dhigan inuu soo xirmay albaabkii ugu dambeeyay ee Sayid Cali, mana jiri doono racfaan kale oo uu ka qaadan doono xukunka dilka ah ee lagu riday.
Waxaana dhiman oo kaliya in xukunka dilka ah lagu fuliya dambiile Sayid Cali.
Dhanka kale, waxaa soo dhaweeyay go’aankan ehellada marxuumadda oo uu ugu horreeyo Aabaheed Cabdicasiis oo muddo dheer sugayay in cadaalad ay hesho gabadhiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here