DHAGEYSO:Shacabka Samburu oo doonaya in la kordhiyo amaahda Hustler Fund

0
272

Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool ismaamulka Samburu ayaa wasiirka wasaaradda ganacsatada yaryar iyo iskaashatooyinka ee dalka Wycliffe Ambetsa Oparanya ka codsaday inuu ka shaqeeyo sidii lagu kordhin lahaa qiimaha lacageed ee ay dowladdu bixiso ee amaahda Hustler Fund.
Deyntan ayaa lagu taageeraa ganacsatada yaryar.
Waxay sheegeen in lacagta hadda la bixiyo ay hooseysa sidaasi awgeedna aynan ku filnayn baahiyahooda.
Sidoo kale waxay doonayaan in dowladda ay fursad dheeraad ah siiso qofka amaahda qaatay ee aan bixin oo aan durbaba macluumaadkiisa loo gudbin shirkadaha qaabilsan dib u soo helidda deymaha.

Dhanka kale , Wasiirka wasaaradda ganacsatada yaryar iyo iskaashatooyinka ee dalka Wycliffe Ambetsa Oparanya oo u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay in ay tixgelin doonaan baaqyada shacabka.
Waxaa uu kenyaanka qaatay amaahda Hustler Fund oo uu ku sheegay ilaa 19 milyan ka codsaday in ay dib u bixiyaan deymaha si dadka kale ay uga faa’iidaan.