Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Meru ayaa hakisay go’aaminta dacwad ay gudbisay barasaabka dowlad deegaankaasi Kawira Mwangaza oo doonaysa in la joojiyo qorshaha ay wakiillada golaha hoose xilka uga qaadayaan.
Garsoore Linus Kassan ayaa sheegay inuu go’aan soo saari doono 20-ka bisha Sideedaad ee sanadkan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu fursad siinaya in arrintan looga heshiiyo qaab ka baxsan maxkamadda.
Waxaa labada dhinac kala dhexdhexaadin doono golaha waxgaradka ee Meru ee loo yaqaano Njuri Ncheke.
Xaakinka ayaa wakiillada golaha hoose ee Meru iyo barasaabka oo ay weheliyaan qareenadooda ku amray in ay golahan hor tagaan Arbacada.
Garsooraha ayaa intaasi ku daray in waxgaradkan ay haystaan ugu badnaan saddex toddobaad oo ay warbixintooda kula wadaagayaan maxkamadda.
Barasaabka Meru Kawira Mwangaza oo uu matalaya qareenkeeda Elias Mutuma ayaa maxkamadda u sheegtay in geeddisocodka xilka looga xayuubinaya oo ah iskudaygii afaraad uu yahay mid siyaasadeysan oo aan niyad sami ku saleysnayn.