DHAGEYSO:Gachagua oo sheegay in madaxweynaha uu wado dadaallo lagu mideynaya qaranka

0
118

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in hoggaamiyaha waddanka William Ruto ay ka go’an tahay mideynta shacabka.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay tallaabadii uu madaxweynaha ku kala diray golihiisi wasiirrada oo uu sheegay in ay ka mid tahay dadaallada uu sare ugu qaadaya midnimada qaran.
Mr. Gachagua ayaa dhanka kale shacabka ku nool dowlad deegaanka Nakuru ku bogaadiyay sida ay nabad galyada ugu dadaalaan.
Waxaa uu uga mahadceliyay in xilligii doorashadii guud ee sanadkii 2022-kii ay dhinac iskaga dhigeen siyaasadda qabyaaladda ku saleysan oo ay xukunka u doorteen Kenya Kwanza.