Guddoomiyaha ismaamulka Mandera Maxamad Aadan Khaliif ayaa tacsi u diray qoysaska , ehellada iyo asxaabta ugu yaraan 12 qof oo ku geeriyooday shil xalay ka dhacay waddada xiriirisa Garissa iyo Mwingi gaar ahaan aagga Bangal.
Waxaa uu sheegay inuu qoysaska ay dadkan ka baxeen uu murugada la qaybsanaya xilligan adag.
Waxaa shilkan galay bas ay leedahay shirkadda Al-Mukaram oo ka yimid Mandera kuna soo wajahnaa Nairobi.
Baska oo siday rakaab ilaa 50 qof ah ayaa waxay isku dhaceen mid ka mid ah baabuurta xamuulka oo waddada yaallay.
Dhanka kale , labo qof oo kale ayaa ku dhintay shil laga soo tabiyay Kangundo oo ka tirsan ismaamulka Machakos waxaana dhacdadaasi ka hadlay shacabka dowlad deegaankaasi oo ku baaqay in la wanaajiyo tayada waddooyinka.