IPOA oo loo gudbiyay 10 cabashooyin ah oo la xiriira afduub

0
349

Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA ayaa bayaan ku sheegay in ilaa iyo hadda loo gudbiyay cabashooyin gaaraya 10 oo ku saabsan shakhsiyaad la xiray , la afduubtay ama la waayay taasi oo ka dhalatay dibadbaxyadii ka dhanka ahaa hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Guddoomiyaha maamulkan, Anne Makori ayaa maanta sheegtay in qiimeynta iyo baaritaannada dhacdooyinkan ay marayaan heerar kala duwan.
Waxay intaasi ku dartay in ay qaadeen tallaabooyin ku aaddan qaar ka mid ah kiisaskan.
IPOA ayaa laga soo xigtay in 8 ka mid ah 10-ka kiis ee loo gudbiyay dadkii la waayay la helay iyagoo nool balse sheegaya in la dhibaateeyay oo la jirdilay.
Waxay intaasi ku dartay in ka maamul ahaan aynan u suurtagelin in ay la kulmaan dhibbanayaasha.
Anne Makori, guddoomiyaha maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA ayaa dhibbanayaasha iyo goobjoogayaashii falalkan ka codsatay in ay yimaadaan oo ay farriimo qoraan si loo dardargeliyo baaritaannada.
8-da qof ee laga afduubtay ismaamullada Nairobi iyo Kajiado ee ugu dambeyn iyagoo nool la helay ayaa kala ah Austin Omondi,Gabriel Oguda, John Frank, Drey Mwangi, Shadrack Kiprono, Osama Otero,Leslie Muturi iyo Joshua Okayo.
Maamulka IPOA ayaa laga soo xigtay in weli la la’yahay Joseph Mwangi halka Denzel Omondi la arkay isagoo meyd ah.
Anne Makori ayaa xustay in ay ka qayb galeen qalliinka baaritaanka ah ee lagu sameeyay meydka Denzel oo ay booliiska ka codsadeen dokumeentiyada sidaasi awgeedna ay goobjoogayaasha iyo cid kasta oo bixin karta sawirrada iyo muuqaallada ay duubtay kaameerada qarsoon ee CCTV-da ka codsatay in ay isa soo saarto.
Ardayda jaamacadda JKUAT oo uu dhiganayay Denzel Omondi ayaa dhigay dibadbax ay ku dalbanayaan in qoyskiisa ay cadaalad helaan.
Dhanka kale, maamulka IPOA ayaa xusay inuu baaraya dhacdo lagu afduubtay saddex qof oo ka mid ahaa dhallinyarada ismaamulka Isiolo.
Waxay kala yihiin Mukhtaar Tache Cali, Nura Cabdi Diba iyo Ciise Osmaan waxayna goobjoogayaasha ka codsatay in ay farriimo qoraan si loo dardargeliyo baaritaannada.