Maxkamadda oo sharci darro ku tilmaantay dhaqangelinta caymiska SHIF

0
409

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sharci darro ku tilmaantay dhaqangelinta caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF oo uu qorshuhu ahaa in 1-da bisha Tobnaad ee sanadkan lagu beddelo nidaamka hadda jira ee NHIF.
Waxaa go’aankan soo saaray guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo kala ah Alfred Mabeya, Robert Limo iyo Fridah Mugambi.
Maxkamadda ayaa cuskatay in dadweynaha aan laga qayb gelin hirgelinta hannaanka cusub ee caymiska.
Sidoo kale, waxaa la ogaaday in SHIF uu culeys dheeraad ah saaraya dad kooban oo mushaar qaata.
Garsoorayaasha ayaa intaasi ku daray in xeerka la rabo in lagu beddelo NHIF uu leeyahay khaladaad.
Hasa ahaate, xaakinnada ayaa baarlamaanka u qabtay muddo 120 cishe ah oo ay ku saxayaan khaladaadka la sheegay ee ku jira xeerka cusub.
Haddii aan sidan la sameyn, waxaa nidaamkan gebi ahaanba la burin doonaa 20-ka bisha 11-aad ee sanadkan.