Moses Kuria oo dhallinyarada ugu baaqay in ay hoggaan yeeshaan

0
154

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa dhallinyarada ku boorriyay in ay hoggaan yeeshaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aynan suurtagal ahayn in da’yarta ay sameeyeen dibadbaxyo ka dhan ah dowladda sidoo kalena ay tabashooyinkooda ku soo bandhigaan baraha bulshada iyadoo aynan jirin cid rasmi ah oo lagala hadli karo horumarkooda.
Dhallinyarada ayuu kula taliyay in ay is abaabulaan oo ay soo bandhigaan cidda ka shaqeyn karta u ololeynta ajeendahooda.
Waxaa uu sheegay in da’yarta ay xilliga doorashada codkooda u adeegsan karaan in ay soo doortaan mas’uuliyiinta ay ku qanacsan yihiin.
Kuria ayaa dhallinyarada xusuusiyay in aynan awood siyaasadeed oo saameyn leh waddanka ku lahaan karin inta aynan lahayn hoggaan toosan.
Dhanka kale , xilli uu xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu soo dhaweeyay shirka ay saamileyda kala duwan ka qayb galaysa ee uu madaxweynaha dalka William Ruto ku dhawaaqay.
Waxaa uu qorshuhu yahay in kulankan oo socon doono 6 cishe uu billowdo 15-ka bishan Toddobaad.
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha Moses Kuria ayaa tilmaamay in hadda la joogo xilligii la wada hadli lahaa oo aynan ahayn waqtigii is eedeynta.