Dacwad musuqmaasuq oo ka dhan ah barasaabkii hore ee Migori oo maanta la dhageysanaya

0
359

Maxkamadda Milimani ee ismaamulka Nairobi ayaa maanta dhageysan doonto dacwad la xiriirta musuqmaasuqa oo ka dhan ah barasaabkii hore ee dowlad deegaanka Migori Okoth Obado .
Sidoo kale waxaa kiiskan wajahaya afar carruur oo uu Obado dhalay.
Garsoore Victor Wakumile ayay ka soo hormuuqan doonaan.
Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in la soo bandhigaya caddeymo iyo 59 marqaati ah.