Abaarta ka jirta dalka oo sii xumaan karto

0
295

Waxaa laga cabsi qabaa inay ka sii darto abaarta saameysay 23 ka mid ah ismaamullada dalka ee aan weli si buuxda looga soo kabsan in kastoo meelaha qaar ay roobab ka da’een.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday warbixin qiimeyn ah oo uu soo saaray urur goboleedka IGAD.
Dhanka kale dowladda dhexe ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda ay lacag dhan 1.2 bilyan oo shilin ku bixisay badbaadinta nolosha dadka ay abaartu saameysay ee ku nool deegaannada lagu tilmaamo oomanaha ee (ASALs)
2.8 milyan oo qof oo ku nool dowlad deegaannada Tana River, Makueni, Kitui, Garissa, Marsabit, Samburu, Turkana, Laikipia, galbeedka Pokot, Kajiado, Embu, Isiolo iyo Wajeer ayaa macluul wajahaya.
Waxay dhibaatooyinkan sidoo kale haystaan dadweynaha ismaamullada Mandera, Tharaka Nithi, Meru, Taita Taveta, Kilifi, Kwale, Machakos, Baringo, Narok iyo Nyeri.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here