26 haween ah oo u dhashay Itoobiya oo lagu xiray Murang’a

0
234

Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Murang’a ayaa gacanta ku dhigay 26 haween ah oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Itoobiya.
Haweenka ayaa laga qabtay goob laga dhisaya guri oo ka tirsan aagga Gitungano .
Howlgalka oo ay ciidamadu xalay sameeyeen ayaa haweenka lagu soo qabtay waxay da’doodu u dhexeysa 22 ilaa 32 sano.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in dumarkan aynan faahfaahin sababta ay goobtaasi ugu sugnaayeen iyo halka ay ku wajahaan yihiin.
Dadkan ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Murang’a iyadoo ay saraakiisha ammaanka sameynayaan baaritaano dheeraad ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here