22 milyan oo ka qayb qaadan doono doorashada guud ee dalka

0
256

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) ayaa sheegay in codbixiyeyaal gaaraya 22,120,458 loo diiwaangeliyay ka qayb galka doorashada guud ee 9-ka bisha Sideedaad ee sanadkan.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Wafula Chebukati ayaa arrintan shaaciyay ka dib markii shirkadda KPMG ay soo gabagabeysay baaritaan ay ku haysay diiwaanka codbixiyeyaasha .
Chebukati oo shir jaraaid qabtay ayaa xusay in codeynta guud ay ka dhici doonto 46,232 oo ah goobaha codbixinta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sida ku qeexan xeerarka doorashooyinka, guddiga uu warbixintiisa u gudbin doono baarlamaanka iyo aqalka sare.
Chebukati ayaa xusay in codbixiyeyaasha ay isugu jiraan boqolkiiba 49.12 oo dumar ah iyo 50.88 boqolkiiba oo rag ah.
Sidoo kale waxaa uu warbaahinta u sheegay in diiwaanka codbixiyeyaasha laga tirtiray xogaha 246,265 oo ah codbixiyeyaal geeriyooday.
Baaritaanka ay sameysay shirkadda KPMG ayaa muujinaya in boqolkiiba 0.05 ee codbixiyeyaasha diiwaan gashan ay ku nool yihiin qurbaha wadanka.
Tirada dadkii ka qayb qaatay doorashadii guud ee sanadkii 2017-kii ayaa ahayd 19.6 milyan oo qof waxayna sanadkan tiradan korortay boqolkiiba 12.7.
IEBC ayaa laga soo xigtay in shanti sano ee ugu dambeysay ay diiwaangelisay 2.5 milyan oo ka mid ah 22-ka milyan ee codeyn doono.
Waaxda qaran ee qaabilsan keydiinta tirooyinka ee (KNBS) ayaa dhankeeda horay u sheegtay in 25.2 milyan oo qof ay sanadkii 2017-kii u qalmeen inay codeyaan halka sanadkan ay tiradan tahay 27.8 milyan.
Dhallinyarada ay da’doodu u dhexeyso 18 ilaa 35 sano ee sanadkan codeynaya ayaa ah boqolkiiba 39.84, naafada waa boqolkiiba 18.94.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here