Madaxweynaha dalka oo baaq u diray dhinacyada ku dagaallamaya Itoobiya

0
246

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya Dr. Abiy Axmed iyo cid kasta oo wanaagga jecel ugu baaqay inay ku dadaasho sidii loo soo afjari lahaa colaadaha dalkaasi ka taagan.
Mr. Kenyatta ayaa soo jeediyay in dhinacyada dagaallamaya ay billaabaan wada hadallo looga gol-leeyahay xabad joojin dhaqan gasha.
Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in hubka la isku adeegsanaya lagu beddelo heshiis nabadeed.
Dhanka kale wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa walaac ka muujisay xaaladda amni ee sii xumaanaysa ee wadanka Itoobiya iyadoo kenyaanka ugu baaqday feejignaan dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here