Gabadh lagu magacaabo Shauna Rae, oo 22 jir ah balse u eg ilmo 8 jir ah

0
900

Ka dib markii ay ka badbaaday kansarka maskaxda iyada oo ilmo yar ah, ayaa Shauna Rae’ oo 22-sano jir ah hakad galay koriinkeeda iyada oo hadda jirkeeda u eg ilmo 8 jir ah.
Shauna Rae ayaa laga helay kansarka maskaxda iyada oo 6 bilood oo keliya jirta, waxaana lagu sameeyay daawayn kiimoteraabi ah oo nolosheeda badbaadisay laakiin sidoo kale waxyeello u gaystay qanjidhkeeda pituitary, kaas oo sababay inay joojiso korriinka. In kasta oo aysan jirin caddayn dhammaystiran oo ah in kiimoterabiga uu sababay qallafsanaanta ba’an ee qanjirka ‘pituitary’ ee Shauna, daaweynta kansarka ayaa loo yaqaanaa inay mararka qaarkood keento dhibaatooyinka endocrine ee bukaannada. Laakiin gabadha yar waxay ku guulaysatay inay ka gudubto dhibkii haystay, inkastoo ay u egtahay ilmo, waxay xiisaysaa in loola dhaqmo sidii qof weyn.
“Haddii aad i fiirin lahayd, waxaad u malaynaysaa inaan ahay gabadh yar oo caadi ah oo wax yar oo caadi ah samaynaysaa. “Laakiin runtu waxay tahay: Ma ihi gabadh yar. Waxaan ahay naag, naag 22 jir ah oo leh jirka ilmo 8 jir ah. Inkastoo jir ahaan aanan kori karin, waxaan si quus ah u rabaa in la iila dhaqmo sidii qof weyn oo kale. Waxaan ka shaqaynayaa madax-banaanidayda.” Ayay tiri SHAUNA
Waxyaabaha caqabada ka haysta ayaa ah inay u kacdo keligeed goobaha lagu qaxweeyo, baarasha iyo inay yeelato qof saaxib jaceyl ah.
Waxaa hadda ay qorshenayso inay soo bandhigto muuqaal ka hadlayo nolasheeda kaas oo ay ku soo bandhigi doonta caqabadaha ay maalin kasta kala kulanto dadka ay la nooshahay.
Sheekada Shauna ma aha mid gaar ah. Dhowr sano ka hor, waxaa jirtay sheekada Zhu Shengkai, 34-sano jir ah oo dhaawac madaxa ah ka soo gaaray yaraantiisii oo jidhkiisa ah ama u eg mid ikmo aan qaan gaar ahayn , ka dibna waxaa jiray kiiska Tomislav Jurčec oo 23 jir ah. kaas oo u ekaa kala badh inuu ka yar yahay da’diisa sababo ah dhibaatooyin jirkiisa uu qabo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here