DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo diyaar u ah inuu heshiis la gaaro madaxweyne Uhuru Kenyatta

0
336

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa maanta shaaciyay inuu diyaar u yahay wadahal lagu dhamaynayo khilaafka ka dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu sheegay Dr Ruto in uusan wax sharuud ah ku xiri doonin heshiiska la dhex dhigayo isaga iyo madaxweynihiisa.
Waxaa uuna eedeyn u jeediyay mucaaradka isagoona sheegay inay kala fogeeyeen isaga iyo Mr kenyaatta.

Hadalka madaxweyne Ku xigeenka dalka ayaa imaanaya ka dib markii ay hogaamiyaasha kaniisadaha ku baaqeen inay heshiis gaaraan labada hogaamiye si dalka uu u noqdo mid xasiloon ka hor iyo ka dib doorashada guud ee sanadka dambe.
Tani ayaana u muuqata in madaxweyne Ku xigeenka uu aqbalay hadalka ka soo yeeray hogaamiyaasha kaniisadaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here