Madaxweyne Uhuru Kenyaatta oo kordhiyay bandowga dalka oo dhan

0
1421

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay maanta tallaabooyin cusub oo looga golleeyahay in lagula dagaallamo faafitaanka caabuqa COVID-19.
Waxaa uuna kordhiyay guud ahaan bandowga habeenka dalkani Kenya saaran sababo la xariirta faafitaanka Corona Virus oo laga soo tabiyay dhowr deegaan oo ka tirsan dalka.
Waxaa uu sido kale Mr Kenyaatta mamnuucay isku imaatinka dadweynaha.
Hogaamiyaha Kenya oo maanta dib u eegis ku sameeyay xaaladaha Viruska COVID 19 ayaa sheegay in warbixinadii ugu dambaysay xanuunka ay muujinayaan inuu guud ahaan dalka ku sii fidayo.
Waxaa uuna sheegay in faafitaanka Cororna ee Kenya ay keentay in dadweynaha aysan dank a lahayn sharuudaha ay horay dowladu u soo saartay oo lagu xakamaynayo Caabuqa.
Madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa bandowga habeenkii ku kordhiyay muddo 60 maalmood ah halka isku imaatinkan uu mamnuucay mudoo 60 maalmood ah.
Sida caadada ahayd bandowga habeenkii ayaa bilaban doona 10-ka habeenimo isagoona ku eg ilaa 4-ta arrornimo.
Dhinaca kale Mr kenyaatta ayaa xadiday Dhammaan isu imaatinnada kale ee bulshada, oo ay ku jiraan aroosyada, dabbaaldegyada dhaqanka, xafladaha cibaadooyiinka ,aaska iyo dhammaan xafladaha kale ee la midka ah.
Waxaa uuna shaaciyay madaxweynaha in intaas ay ka soo qeyb gali karaan 100 qof oo kaliya ah.
Madaxweynaha dalka ayaa faraha in goobaha cibaadada sida masaajidada iyo kaniisadaha ay ilaaliyaan nidaamka iyo ka hortaga faafitaanka Caabuqa COVID 19.
Sido kale waxaa uu ugu baaqay maamulayaasha baararka iyo maqaayadaha kale ee laga cunteeyo inay raacaan hagida iyo sharuudaha wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Talaabooyiinka cusub ee madaxweynaha ayaa timid ka dib markii 24-kii saac aynu soo dhaafnay Kenya laga diiwangaliyay 1,506 kiis iyo 24 dhimasho ah oo uu sababay COVID-19.
Waxaana ka soo kabsatay bukaan dhan 1,538

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here