Golaha barasaabyada oo xaqiijiyay in shirka dowlad wadaajinta lagu qaban doono Makueni

0
343

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee CoG ayaa sheegay inuusan waxbo iska beddelin qorshihii ahaa in 23-ka ilaa 26-ka bishan Makueni lagu qabto shir ku saabsan dowlad wadaajinta.
CoG ayaa meesha ka saartay cabsi laga qabay in kulanka dib loo dhigo cudurka COVID19 awgii maadaama ay dowladdu mamnuucday isku imaatinka dadweynaha .
Kulanka oo ah midkii toddobaad ayaa ka dhacaya dugsiga sare ee wiilasha ee Makueni.
Waxaa hal ku dhig u ah in labada heer ee dowladda ay qaadaan tallaabooyin la xiriira cimillada.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa ayaa dhankiisa sheegay in tirada wufuudda oo horay loo qorsheeyay inay noqoto 6000 hadda lagu soo reebay 1000 si looga hor tago faafidda caabuqa corona.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in martida ka qayb galaysa shirka dhammaan laga tallaali doono cudurka.
Sidoo kale waxaa hadda socdo barnaamij ismaamullada Makueni, Machakos, Kitui, Embu iyo Kajiado loogu beeraya ku dhawaad 2 milyan oo geedo ah.
Dhanka kale guddoomiyaha ismaamulka Makueni Prof. Kivutha Kibwana ayaa sheegay in dhallinyarada fursad loo siin doono inay shirka dowlad wadaajinta ku soo bandhigaan caqabadaha haysto ee ay doonayaan in la xalliyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here