Wasaaradda arrimaha gudaha oo beenisay inay bixisay amarkii Ruto loogu diiday inuu safro

0
343

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa beeniyay inay soo saareen amarkii madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto horraantii toddobaadkan loogu diiday inuu u safro wadanka Uganda.
Kibicho ayaa sheegay in Ruto uunan haysan dokumeentiyo muhiim ah sidaas awgeedna aynan u suuragelin inuu wadanka ka ambabaxo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuusan jirin amar ka soo baxay isaga ama wasiirka arrimaga gudaha Dr. Fred Matiang’i kaasoo la siiyay saraakiisha socdaalka.
Kibicho ayaa xusay in madaxweyne ku xigeenka dalka aan lagu hayn bartilmaameedsi gaar ah balse laga doonayo inuu u hoggaansamo xeerarka socdaalka.
Hasa ahaate faahfaahin kama uunan bixin dokumeentiyada laga doonayay Ruto ee uusan sidan.
William Ruto ayaa shalay sheegay inay jiraan saraakiil ka tirsan dowladda oo ku howlan inay isaga liidaan si ay awoodooda u muujiyaan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here