DHAGEYSO:Walaac laga muujinaya kufsiga iyo guurka degdeg gabdhaha ee Mandera

0
425

Waaxda qaabilsan arrimaha carruurta ee ismaamulka Mandera ayaa walaac xooggan ka muujisay kiisaska la xiriira kufsiga ee ku sii kordhaya wadanka.
Agaasimaha waaxda qaabilsan carruurta ee ismaamulkaas Cabdiqaadir Xaaji ayaa sheegay in guud ahaan 56 kiis ee la xiriira kufsiga ay yaalaan maxkamadaha.
Waxaa uu eeda dusha uga tuuray waalidiinta oo aan diyaar u ahayn in falalkan noocan ama macluumaadka la xiriira ay soo gudbiyaan, iyagoo ka baqaya cayb dhanka xubnaha qoyska ama magac xumo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dalka ay ku kordheen falalka uurka degdeg ah iyo guurka, tani iyo markii kiiskii ugu horreeyay cudurka sii faafaya ee COVID -19 laga diiwan geliyay gudaha wadanka bishii saddexaad ee sanadkii hore.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala Koonfurta Mandera ayaa xusay in gudniinka fircooniga ee loo yaqaano FGM uu dhibaato ku haya bulshada
Waxaa uuna kula dardaarmay dadka deegaanka in ay soo sheegaan nooc kasta oo FGM islamarkaana ay dowladda ay tilaabo adag ka qaadi doonto dadka falalkan ku kaca
Waxa uu sheegay in sinaan la’aanta jinsiyadeed iyo waxbarashada rasmiga ee xaddidan, gaar ahaan gabdhaha, ay ka mid yihiin caadooyinka dhiiri gelinaya isla markaana sii kordhinaya guurka carruurta yar-yar ee ismaamulka Mandera.

Dadka deegaanka ayaa u mahadceliyay waaxda qaabilsan dhalanka kuwaas oo kaalin weyn ka qaatay ilaalinta carruurtooda.
Waaxda ayaa sheegtay inay si adag uga shaqeynayn doonto wax ka qabashada dhaqamada noocan oo kale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here