William Ruto oo ka soo horjeestay sharciga ah in musharaxiinta xilalka hoggaanka ay haystaan shahaadada Degree

0
429

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in aynan cagli gal ahayn in musharaxiinta jagooyinka siyaasadeed ee sanadka 2022-ka shardi looga dhigo in ay haystaan shahaadada heerka jaamacadeed ee Degree.
Xilli uu xaafadda Karen ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Baringo ayuu Ruto xusay in dhaqangelinta sharcigan uu caqabad ku noqonaya shakhsiyaad karti u leh in ay dadweynaha hoggaamiyaan.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in aynan suurtagal ahayn in arrinkan lagu tallaabo qaado iyada oo marka la eego tirakoobkii wadanka laga sameeyay sanadkii 2019-kii keliya 1.3 milyan oo Kenyaan ah ay haystaan shahaadada Degree.
Waxaa uu sheegay inuu taageeri doono qorsho kasta oo wax looga beddelaya sharcigan.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen uu soo saaray soo jeedin lagu beddelaya sharciga sida wayn loo hadal hayo.
Murkomen ayaa doonaya in qofka xil hoggaan qabanaya laga doonayo keliya inuu akhrin karo sidoo kalena wax ku qori karo luuqadaha Ingiriiska iyo sawaaxiliga hadii uu ka mid yahay dadka qabo baahiyaha gaarka ah uu adeegsan karo luuqadda miidaarta ama ishaarada .
Murkomen ayaa doonaya in gebi ahaanba meesha laga saaro xeerkan oo aynan noqon in mar kasta oo ay doorasho guud soo dhawaato isbeddel lagu sameeyo.
Hasa ahaate xita hadii aqalka sare uu ansaxiyo soo jeedinta Murkomen waxaa loo baahan yahay in ay taageero ka helaan xildhibaanada baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here