Mooshin ka dhan ahaa guddoomiyaha golaha hoose ee Garissa oo laga laabtay

0
681

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaas ay ka laabteen mooshin ay ku doonayeen in ay xilka kaga qaadaan guddoomiyahooda Axmad Ibraahim Cabbaas.
Mr. Qorane ayaa xusay in wakiillada ay go’aanka qaateen si loo wada
dhan yahay oo shuruud la’aan ah.
Waxaa uu ku ammaanay in midnimo iyo wadajir ay ka door bideen khilaaf iyo kala qaybsanaan sidaas awgeedna uu ku faanaya tallaabada ay qaadeen.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu ka codsaday in ay wax ka beddelaan qorshahooda isaga oo dhanka kale sheegay in 4 ka mid ah siyaasiyiinta ismaamulkaas ay ka dambeeyaan qorshaha mooshinka xilka qaadista.
Wakiilka deegaanka hoose ee Macallimiin Maxamuud Aadan Yarrow oo 11-kii bishan gudbiyay mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha ayaa warqad maanta ku taariikhaysan oo uu u qoray karaaniga golaha ku sheegay inuu ka laabtay qorshihii hore.
Wakiilka ayaa arrinkan u aaneeyay wada tashi dheeraad ah oo lala sameeyay dhinacyada kala duwan sidaas awgeedna uu go’aansaday in isaga aan la khasbin uu si shuruud la’aan ah sida ugu dhakhsiyaha badan meesha uga saaro mooshinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here