3 qof oo looga shakiyay argagixisanimo oo lagu dilay Wajeer

0
601

Warbaahinta maxalliga ee Citizen oo soo xiganaysa ilo wareedyo ka tirsan booliska dalka ayaa ku warramaysa in xalay saddex qof oo looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab lagu dilay ismaamulka Wajeer.
Wararka ayaa intaa ku daraya in shakhsiyaadkan laga takhalusay ka dib markii ay ku guul dareysteen qorsho ay doonayeen in ay ku burburiyaan agabka isgaarsiinta ee deegaanka Tarbaj.
Wixii faahfaahin oo qodobkan ku soo kordho wararka dambe ayaad ku dhagaysan doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here