Ardayda sameeyay wax isdaba-marinta xilligii KCPE-da oo natiijadooda heli doono

0
437

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa wasaaradda waxbarashada u fasaxay in ay soo saarto natiijada dhammaan ardaydii bishii saddexaad ee sanadkan sameeyay imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee wadanka Prof. George Magoha ayaa shalay sheegay in xita ardayda la arkay iyaga oo xatooyo sameynaya ay natiijadooda heli doonaan.
Waxaa uu wasiirku xusay in kastoo ardaydan tallaabo sharciyeed laga qaadi doono ay dhanka kale helayaan natiijada u soo baxday.
Prof. Magoha ayaa xusay in xilligii KCPE-da la soo tabiyay 12 xaaladood oo xatooyo ah.
Kiisaskan ayaa isugu jiray toddobo arday oo lagu qabtay qoraalo ay sii diyaarsadeen iyo 5 qof oo iskudayay in ay imtixaanka u sameyaan qaar ka mid ah ardayda.
Sanadihii hore waxaan natiijada heli jirin ardaygii lagu cadeeyo in uu wax isdaba-marin sameeyay.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in la ciqaabi doono macallimiinta ardayda ka caawiyay ama u fududeeyay in ay xatooyo sameyaan.
Ardaygii ugu horreeyay ee natiijada ka soo baxday imtixaanka qaran ee KCPE-da ee 2020-kii ayaa heshay buundo dhan 433.
Marka la eego jinsiyadda ardayda , wiilasha ayaa gabdhaha kaga buundo fiicnaa maadooyinka sida xisaabaadka, sayniska, culuunta bulshada iyo diinta.
Xulashada ardayda ku biiraya fasalka koowaad ee dugsiyada sare ee dalka ayaa billaaban doonto 23-ka bisha Shanaad ee sanadkan.
Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa xaqiijiyay in dhammaan ardayda sameeyay imtixaanka shahaaddiga ay u gudbi doonaan marxalada xigta ee waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here