Qaar ka mid ah madaxda maamullada iyo mucaaradka oo Muqdisho kulmay

0
375

Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa kulan la qaatay Xubnaha Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya u taagan.
Kulankan ayaa ka dhacay guriga Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo uu Madaxda kale ugu sameeyay afur.
Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo kulankaan ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka gaar ahaan muddo kordhintii dhawaan ay sameeyeen Xildhibaannada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Waxaa lagu waddaa inay soo saaraan war ku saabsan go’aankooda xilli horay maamulka Galmudug ay u caddeeyeen inaysan aqbali doonin wixii ku saabsan muddo kordhin loona baahan yahay in doorasho la aado.