SAWIRRO:Madaxweynaha Galmudug oo howlgal Shabaab ka dhan ah amray

0
659

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa inta uusan kaso ambabixin Magaalada Dhuusamareeb safar kormeer ah ku tegay difaacyada hore ee Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan deegaanka Sinadhaqo iyo naxaawigiisa oo hoostaga degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha waxaa Safarka ku wehliyay Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Axmad Macalin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale, isagoo la kulmay Saraakiisha iyo Ciidamada ku sugan deegaanka Sinadhaqo.
Ujeedka kormeerkiisa ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda Ciidanka wuxuuna war bixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo dhawaan lagala wareegay degaannadaas.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa khudbad guubaabo iyo dhiirogelin iskugu jirta u jeediyay Ciidamada ku sugan furimaha lagula dagaalamayo Al-Shabaab, waxaana uu kula dardaarmay Ciidamada iyo saraakiisha inay sii wadaan howlgalada lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo guud ahaanba dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here