Madaxda Soomaalida oo maanta kulamo kale yeelanaya

0
659

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Xarunta teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho uu markale ka bilaawdo shirka u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, RW Xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka oo Sabtidii todobaadkaan ka bilaawday Teendhada Afisiyooni ayaa laba maalin hakad uu galay, waxaana Maanta Madaxda ay ka doodi doonaan Ajandaha uu ku furmi karo shirweynaha wada-tashiga doorashooyinka iyo cidda ka qeyb galeysa.
Shalay ayaa qorsuhu ahaa in uu shirka dib u bilawdo, hayeeshee uu baaqday sababo la xiriira Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo safar ugu maqnaa Magalada Dhuusamareeb, balse shalay gelinkii dambe uu dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya iyo Wakiillada Beesha Caalamka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiis lagu garao shirarka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka si loo qabto doorasho loo dhan yahay.
Wakiillada Beesha Caalamka ayaa isha waxaa ay ku hayaan shirka teendhada Afisiyooni, iyaga oo Madaxda ku cadaadinaya inay gaaraan heshiis sahli kara in uu ku furmo Shirweynaha wadatashiga doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here