Khasaaraha ka dhashay daadadkii Indonesia oo sii kordhay

0
427

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay fatahaadihii shalay ku dhuftay dalka Indonesia.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay musiibadaas ku dhinteen 55 qof halka 40 kale weli la la’yahay.
Waaxda qaran ee Indonesia u qaabilsan maareynta musiibooyinka ee BNPB ayaa maanta sheegtay in la soo badbaadiyay ugu yaraan 400 oo qof oo ku sugnaa bariga gobolka Nusa Tenggara.
Roobab culus oo halkaas ka da’ay ayaa waxaa ka dhashay dhul go’o iyo daadad sababay khasaaraha isugu jiro dhimasho , dhaawac iyo barakac.
Daadadka iyo dhul go’a ayaa ku badan Indonesia xilli roobaadka.
Bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii 40 qof ay ku dhinteen daadad saameeyay magaalada ku taalla galbeedka Java ee Sumedang.
Bishii sagalaad ee sanadkii hore ugu yaraan 11 qof ayaa sidoo kale fatahaado ku nafwaayay.
Waaxda qaran ee maareynta musiibooyinka ee Indonesia ayaa sheegtay in qiyaastii 125 milyan oo qof oo ah ku dhawaad kala bar tirada guud ee shacabka wadankaas ay ku nool yihiin meelaha halista ugu jiro dhul go’a.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here