Myanmar oo ay weli dibadbaxyo ka socdaan

0
478

Waxaa weli wadanka Myanmar ka socdo dibadbaxyada ay shacabka ku dalbanayaan in talada wadankaas dib loogu celiyo maamulkii rayidka ahaa ee uu militariga si afgembi ah kala wareegay 1-dii bishii hore.
Dibadbaxayaasha ayaa dafiray howlgallo adag oo ay laamaha ammaanka kaga falcelinayaan mudaharaadyada.
Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in saraakiisha ammaanka ay adeegsanayaan awood xad dhaaf ah iyo xeeladaha dagaalka oo ka dhan ah dadka dimuqraadiyadda dalbanaya.
In ka badan 60 qof oo dibadbaxayaal ah ayaa Mynamar lagu dilay halka xabsiyada la dhigay 2,000 oo qof tan iyo afgembigii wadankaas ka dhacay.
Shalay ayay ahayd markii golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu cambaareeyay sida rabshadeysan ee ay ciidamada Myanmar kaga falcelinayaan mudaharaadyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here