Ra’iisul wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi Ka kooban 11 xubnood

0
606

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo shalay galab ku geeriyooday dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin;

  1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye
  2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen
  3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin
  4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin
  5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin
  6. Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin
  7. Durraan Axmed Faarax, Xubin
  8. Cumar Cali Rooble, Xubin
  9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin
  10. Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin
  11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi
Cali Mahdi oo sanadyadii ugu dambeeyay ku noolaa Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay la sheegay in uu xaalad caafimaad u joogay Magaalada Nairobi.
Cali Mahdi wuxuu Madaxweyne ka soo noqday Soomaaliya Janaayo 26, 1991 ilaa 3, 1997.
Heshiiskii Qaahira ee bishii Diseembar 1997 ayaa Cali Mahdi mar kale loogu magacaabay madaxweyne, jagadaas oo uu hayay ilaa uu kala wareegay Cabdiqaasim Salaad sanadkii 2000.