10 ka mid ah masaajidda Sacuudiga oo la xiray

0
666

Waxaa albaabada la isugu dhuftay 10 ka mid ah masaajidda boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ku yaalla 5 gobol.
Wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya ee SPA oo soo xiganaysa wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta ayaa sidatan ku warramaysa.
26-kii cisho ee ugu dambeeyay waxaa halkaas si ku meel gaar ah loogu xiray 218 masjid.
Hasa ahaate 196 tiradan ka mid ah ayaa dib loo furay ka dib markii maamullada goobahan cibaadada ay u hoggaansameen nidaamyo lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here