11 sarkaal oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Turkiga

0
708

Wasaaradda gaashaan dhigga ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in 11 ka mid ah saraakiisheeda ay ku nafwaayeen burbur diyaaradeed oo galinkii dambe ee shalay laga soo tabiyay Koonfurta bari ee wadankaas.
Waxaa shilka ku dhaawacmay labo sarkaal oo dheeraad ah.
Diyaaradda ayaa ku burburtay meel u dhow tuulada oo aan sidaa uga fogeyn magaalada Tatvan ee gobolka Bitlis.
Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa intaa ku dartay in 9 ka mid ah dadka dhintay ay ku geeriyoodeen isla goobta halka labada kalena ay dhinteen iyagoo laga daaweynaya dhaawacyo soo gaaray.
Sidoo kale midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa dowladda Turkiga uga tacsiyeeyay geerida ku timid qaar ka mid ah militarigeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here