Mudavadi oo sheegay in uunan taageero siyaasadeed uga baahneyn Raila

0
592

Madaxa xisbiga ANC Mr. Musalia Mudavadi ayaa shaaciyay in aynan jirin wax taageero siyaasadeed ah oo uu sanadka 2022-ka xilliga doorashada guud uga baahan yahay dhigiisa ODM Raila Odinga.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Mr. Odinga uu saaxiibadii ay ka wada tirsanayeen NASA u sheegay in aynan ku tashan.
Hasa ahaate Mudavadi ayaa si la mid ah madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ku wargeliyay cid kasta oo u hanqal taagaysa qabashada talada wadanka in ay loolanka ku soo biirto.
Waxaa uu ku celceliyay in siyaasiyiinta laga doonayo in ay qorshahooda ka dhaadhiciyaan dadweynaha.
Madaxa ANC ayaa kenyaanka uga digay in ay taageeraan shakhsiyaad uu ku tilmaamay kuwo ka faa’iido kala qaybinta dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here