DHAGEYSO:William Ruto oo sheegay in dalka laga dhisay 140 xarumood oo ah kuwa farsamada

0
491

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka ku sheegay in shalay uu hoggaamiyay qorsho lagu taageeray in ka badan 30 ka mid ah ururrada wadayaasha mootooyinka ee ismaamulka Murang’a.
Waxaa uu sheegay in ay sare u qaadeen caawimaadda ay u fidinayaan ganacsiyada yaryar si ay u kobcaan.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay qayb ka tahay isbeddelka lagu sameynayo hannaanka dhaqaale ee wadanka.
Waxaa uu tilmaamay in ujeedka laga leeyahay taageeridda dhallinyarada ay tahay in hanti abuurka laga soo billaabo dadka ku jiro dabaqadda hoose ee nolosha.
Ku xigeenka madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in qorshahan cusub uu malaayiin Kenyaan ah ka saarayo saboolnimada sidoo kalena uu dardargelinaya horumarka wadanka uu ku tallaabsanaya.
William Ruto ayaa intaa ku daray in guud ahaan wadanka laga dhisay 140 ah machadyada lagu barto culuunta farsamada si dhallinyarada ay u helaan xirfado ay ku shaqeysan karaan.