Arday lagu afduubtay gobol ku yaala dalka Nigeria iyadoo qaar la soo daayay

0
649

Guddoomiyaha magaalada Maiduguri ee dalka Nigeria ayaa sheegay in dabley hubeysan oo ku sugan dalkaasi ay sii daayeen 42 qof, oo ay ku jiraan 27 arday, kuwaas oo laga afduubay iskuul boodhin ama jiif ah.
Siideyntooda 42-da qof ayaa imaaneysa maalin un ka dib markii weerar qorsheysaan lagu qaaday iskuul ku yaala gobolka Zamfara ee dalka Nigeria halkaas oo dabley ka kaxeysteen in kabadan 300 oo gabdhood
Afduubyada ay gobolka waqooyi ee dalka Nigeria ka geysanayaan kooxaha hubeysan, ayaa laagu sheegay kuwa caan ka ah gobolkaasi.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Nigeria Muxamaduu Buhari ayaa sheegay in dowladdiisa aanay u jilci doonin handadaadda uga imanaysa kooxaha dambiilayaasha ah ee bartilmaameedsanaya carruurta iskuulayda ah ee aanan waxba galabsan.
Mr Buhari ayaa sheegay in uusan nasan doonin ilaa gacanta looga soo dhigayo dhammaan carruurtii la afduubtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here